Xeerka Abtirsiga Erayada Iyo Sidaan u Arko

November 9, 2017 | Author: hal_aqoon | Category: Syllable, Linguistics, Semiotics, Languages, Philology
Share Embed Donate


Short Description

Download Xeerka Abtirsiga Erayada Iyo Sidaan u Arko...

Description

1

Xeerka abtirsiinta erayga iyo sidaan u arko

Xeerka Abtirsiinta erayga af Soomaaliga iyo sidaan u arko Cabdiraxmaan Faarax ‘Barwaaqo’ [email protected]

“For a traditional linguist like me “the Somali-word etymology” combining the linguistic and philosophical methods of investigation is somewhat mysterious, the more so it is interesting and attractive.” Dr. Georgi Kapchits

1. Hordhac Buugga la yidhaa ‘Abtirsiinta erayada af Soomaaliga’ ayaa dhowaan i soo gaadhay. Waxa muquuno ahaan iigu soo diray qoraha buugga Caliqeyr M. Nuur. Waanu ku mahadsan yahay. Kolkii aan buugga akhriyey, aadna uga baaraan degey waxaa ila qummanaatay inaan wax ka idhaa dadkana u soo bandhigo aragtidayda si la iila wadaago. Ugu horrayn, waxaan si kooban u dulmari bilicda iyo sida loo agaasimay qaybaha buugga. Intaa kadib, waxaan wax yar innaga xasuusin sooyaalkii ay farta af Soomaaligu soo martay, aniga oo sheegi doona waxay aqoonyahannadii rabay in la helo far Soomaali qorani iskaga midka ahaayeen iyo waxay ku kala tagsanaayeen. Waxaan intaa raacin qaar ka mid ah go’aannadii ay guddidii af Soomaaligu soo saartay, aniga oo mar dambe u foodin doona aragtida lagu soo bandhigay xeerka cusub ee abtirsiinta erayada si loo ogaado waxa ay ku kala duwan yihiin. Ku dheeraan maayee, waxaan iyana wax ka tilmaami sida ay xeerarka afafku u samaysmaan iyo kaalinta af-yaqaannada. Intaa kaddib waxan wax ka iftiimin qaar ka mid ah god daloolooyinka faraha badan ee uu xeerka cusubi xambaarsan yahay. Ugu dambayntana waxaan hadalkayga ku soo gabaggabayn dooddii iyo xidhiidhkii aan la yeeshay qoraaga iyo wixii aannu isla meel dhignay. 2. Bilicda buugga: Waa buug, runtii, aan toox iyo jimidh toona u yarayn. Midabka galka dhiniciisa kore waa dugul lagu bilay astaanta dalalka af Soomaaliga lagaga hadlo oo ku bilan midab doogo ah. Docda hoose ee galku waa dambar hoosiis ku ladhan yahay oo aan indhaha dhibayn. Qaybta eray-bixinta buugga lagu adeegsaday ka sokow wuxuu buuggu u agaasiman yahay dhawrkan qaybood ee sidan hoose ku qeexan: 1. 2. 3. 4. 5.

180-ka eray ee dhaliya af Soomaaliga Xeerka abtirsiinta Adeegsiga xeerka abtirsiinta erayga Abwaanka erayada Shintiriska Soomaaliga

10-17 18-19 20-43 45-343 345-396

2

Xeerka abtirsiinta erayga iyo sidaan u arko

3. Sooyaalkii farta af Soomaaliga Ka hor 21kii Oktoobar ee 1972kii, dad badan oo Soomaali iyo shisheeyaba leh baa isku hawlay sidii af Soomaaliga loo qori lahaa. Ha ugu horreeyo Sheekh Yuusuf Al-kawniin oo ah ninkii bilaabay Alif la kordhabey iyo kuwii faraha badnaa ee ka dambeeyey, haddii aan qaar ka xusana, ay ka mid ahaayeen Muuse X. I. Galaal, Cismaan Keenaddiid, B. W. Andrzejewski, Maxamed Cabdi Makaahiil, Shire Jaamac Axmed, lbraahim Xaashi Maxammuud, M. M. Moreno, C. R. V. Bell, L. E. Armstrong, Cabdullaahi Xaaji Maxammuud, B. Panza, iyo Cabdiraxmaan Sh. Nuur (Barwaaqo, 2003). Aqoonyahannadaasi kamay midaysnayn qoridda afka oo qudha ee waxa kale oo ay intooda badani iskaga mid ahaayeen tirada xuruufaha afka lagu qorayo . Hayeeshee, waxay ku kala tagsanaayeen farta lagu qorayo iyo qaabka xarfaha qaarkood loo qorayo. Tusaale ahaan, inta rabtay in xuruufta laatiinka la qaataa meelo badan ayay ku kala duwanaayeen sida tirada xarfaha iyo qaabka xarfaha qaar loo qorayo. Kuwa far carabida rabayna sidaas oo kalay ahayeen, kuwa faraha kale watayna la mid bay ahaayeen. 4. Go'aannadii guddida af Soomaaliga Kolkii la guddoonsaday in farta la qoro, guddidii af Soomaaligu waxay go'aamisey: 1. inay xuruufta af Soomaaligu ka koobnaan doonaan 22 shibbane sida shaxankan ku cad, iyo B KH W

C L X

D M Y

DH N

F Q

G R

H S

J SH

K T

' (Firgin)

2. Shan (5) shaqal oo gaaggaaban iyo 5 shaqal oo dhaadheer oo ayana kala ah: shaqallada gaaggaaban: A E I O U, iyo shaqallada dhaadheer oo kala ah: AA EE II OO UU ( Keenadiid, 1976). Go’aankaa ka hor aqoon-yahannada kala ah Lilias Armstrong (1934), Muuse Galaal iyo B.W. Andrzejewski (1956) ayaa sheegay inuu firginku (’) ka mid yahay shibbanayaasha higgaadda afka. Sidaasi baanay tirada higgaadda afku ku noqonaysaa kolka laysu wada geeyo 32 xaraf. Kolkanna bal aan isla eegno sida ay xeerarka afafku u samaysmaan iyo kaalinta af-yaqaannadu kaga abbaaran yihiin.

5. Xeerarka afafku sida ay u samaysmaan iyo kaalinta af-yaqaanka Sida laga yaabo in laga wada warqabo, af kastaa wuxu leeyahay xeer u gaar ah. Cid samaysay iyo goor la sameeyey toona lama yaqaan ee af kastaa isaga ayaa samaysta. Bal aan u fiirsanno tusaalooyinkan hoos ku qoran: af Soomaali

Af Ingiriis:

Af Carabi

Nin dheer

A tall man

‫رجل طويل‬

3

Xeerka abtirsiinta erayga iyo sidaan u arko

Ereyga ‘man’ wuu u dambeeyaa weedha af Ingiriiska ah een tusaalaha u soo qaatay. Halka ay labada eray ee ‘nin’ iyo ‘‫ ’رجل‬oo la ujeedda ihi ugu horreeyaan weedha af Soomaaliga ah iyo ta af Carabiga ahba. Miyaan, haddaba, odhan karnaa: “Soomaalida iyo Carabta ayaa ka hagaagsan Ingiriiska ama sida kale?” Mase odhan karnaa: “Soomaalida iyo Carabtu heshiis bay ku gaadheen inay ayagu isku si wax u yidhaahdaan?” Si kasta ha loo yidhaahdee, waxa halkaa inooga dhuroobay inay jiraan laba xeer oo uu mid u gaar yahay af Soomaaliga iyo Carabiga ka kalana u gaar yahay af Ingiriisiga. Labadaasi xeer waxa loo kala qori karaa sidan hoos ku xusan: 1. 2.

Af Soomaaliga iyo af Carabigaba tilmaamuhu magaca ayuu ka dib maraa. Af Ingiriiskana tilmaamuhu magaca ayuu ka hor maraa.

Hadal iyo dhammaantii, xeerarkaasi ma aha qaar ay dad ku heshiiyeen. Hayeeshee, waa sida ay afafkaasu u abuurmeen ama u samaysmeen. Siday doontabana ha noqotee, haddii weedhii lagu kordhiyo fal sheegaya cidda wax aragtay waxay u kala dhigmayaan sidan hoos ku qoran:

GLOSS:

I saw a tall man Aniga arkay dheer nin

‫رأيت رجال طويآل‬ dheer nin aniga arkay

Waxaan arkay nin dheer I saw man tall

Kolkii ay weedhi korodhay labadii af ee markii hore isu dhowaa hadda way kala tageen. Af Carbeedka falkaa u horreeya, falahuna wuu ku xigaa. Waxaa ku sii xiga la falahii, waxana u dambeeya tilmaamihii sheegayey dhererka ninka. Af Soomaaliga isaga waxa u horreeya falaha, waxana ku xiga falka. Waxana ku xigsaday la falihii, waxaana u dambeeya tilmaamihii. Sidaasi ayaanu haddaba afna af ula mid ahayn. Haddii ay meel isaga mid noqdaanna ay u jireysaa/u jirayaan meel/meelo kale oo ay ugu kala duwanaanayaan. Si kastaba ha ahaatee, hawsha af-yaqaanka ma aha inuu xeerar afka u dejiyaa. Hayeeshee, wuxuu afyaqaanku isku hawlaa siduu u ogadaan lahaa xeerarka uu afku leeyahay iyo sida ay u adeegsamaan. Tusaale ahaan, xeerka miisaanka maansada Gaarriye iyo Carraale midkoodna ma samayn ee afka ayaa iska leh oo samaystay. Ayagu waxay ogaadeen habka uu u shaqeeyo oo keliya. Sidaasi awgeed waxa hor iyo horraanba gef ah inuu qoraha buuggani inna yidhaa ama ku doodo inuu dejiyey ama dejinayo xeer cusub oo aan hore afka ugu jirin.

6. Goddaloolooyinka aragtida xeerka cusub ee abtirsiinta erayada: 6.1. Tirada higgaadda afka: Xeerka abtirsiintu wuxu tibaaxayaa aragti burinaysa go’aammadii aan kor ku soo sheegay oo dhan. Waxaanu sheegayaa in tirada higgaadda af Soomaaligu tahay 21 shibbane iyo 5 shaqal oo qudha sida ku cad shaxanka hoos ka muuqda (2009:11). A E I O U

B S Q W

T Sh K H

J Dh L Y

D G M

R F N

Waxa uu xeerku intaa raaciyey oo uu ina farayaa sidan: X waxaa loo rogayaa H Kh waxaa loo rogayaa Q C wixii uu raaco waa laga reebayaa oo keliya. Kolka saddexdaa laga saaro tirada guud ee higgaadda afku waxay noqonaysaa, buu yidhi qoruhu 23 xaraf, kuwaasi oo kala ah 18 shibbane iyo 5 shaqal oo gaaggaaban (2009:10-11).

4

Xeerka abtirsiinta erayga iyo sidaan u arko

Haddii aan haddaba isu foodinno go’aammadii guddidii af Soomaaliga iyo aragtiyaha ku xusan xeerkan abtirsiinta erayada afka waxaa inoo soo baxaya: •

In tirada xuruufta higgaadda ee lagu xusay xeerkan cusubi noqonayso 23 xaraf. Halka ay



tirada xuruufta ee ay guddidii af Soomaaligu soo saartay ka tahay 32 xaraf. Haddii si kale loo yidhaa afarta shibbane ee kala ah: X, Kh, C, firginka (’) iyo shanta shaqal ee dhaadheer ee kala ah, aa, ee, ii, oo, uu, ayuu xeerka cusubi ka saaray tirada higgaadda af Soomaaliga.

Isaga oo qoruhu sida kor ku xusan meeshaba ka saaray jiritaanka dhawaaqyadaasi buu haddana ka maarmi waayey adeegsigooda. Tusaale ahaan, maruu qeexayey ujeeddooyinka waxa uu ku magacaabay shanta tabane ee xarafka ‘B’ waxa uu qoray sidan: 1.

Ba: Geeri; dhimasho; baabba’, ba’; ciribtir; ayaanka wadka ee wax jiray baabbi’iya. Ayaanka ba wuxuu leeyahay tilmaan dheddig. Tusaale – beertii way ba’day.

2. Be: Ayaanka geerida, dhimashada iyo baabba’a. Ayaaka be wuxu leeyahay tilmaan labeeban. Tusaale – Mirihii way be’een. 2.

Bi: Ayaanka geerida iyo baabba’a oo leh tilmaan labnimo. Tusaale – ninkaasi way bi’iyey

5. Bu: Bu’asho; burqasho; bufid; si cadaadis ah meel uga soo bixid. Bu waa faldhaqan cadaadis ah oo uu yeesho ayaanka geerida iyo baabba’u. Tusaale – ishaaa ayey biyuhu ka soo bu’ayaan Bal u fiirso, akhriste, tusaalooyinka hoosta ka xarriiqan ee uu ka bixiyey 3da tabane (waa sida uu qoruhu hadalka u dhigaye) ee u horreeya iyo ka u dambeeya ee xarafka ‘B’. Miyaanay haddaba wax lala yaabo ahayn inuu qoruhu dhawaaqyadii uu sheegay inaanay farta afka ku jirin uu haddana adeegsadaa? 6.2 Habka alannada loo tirsho ama sida loo asteeyo soohdimahooda iyo xeerka cusub Sida af-yaqaannada Soomaaliyeed isku raacsan yihiin, alan waa: • •

Dhawaaq shaqal oo gaaban (a, e, i, o, u ) ama dheer ( aa, ee, ii, oo, uu ) oo samaysma kolka eray lagu dhawaaqo. Inta jeer ee aad maqasho dhawaaq shaqal, ha gaabnaado ama ha dheeraadee, waxay la mid tahay inta alan ee erayga ku jira.

Hadalkaa haddii aan si kale u idhaa: kolka ay Shibbane iyo shaqal is xigsadaan waxa samaysma ‘alan’. Alanku wuxu noqon karaa mid shaqal gaaban wata ama mid shaqal dheer wata. Alan ama dhawr alan oo isu tegeyna waxa ay sameeyaan eray. Erayada halka alan ka kooban waxa ka mid ah: bad; lug; leg; baad; beer; neef; Ba’, iwm. Kuwa dhawrka alan ka koobanna waxa ka mid ah: hangool; baroordiiq;iwm. Xeerkaasu kama hor imanayo, sida ka cusub, xeerarka afafka kale. Tusaale ahaan xeerka alannada af Soomaaligu kama hor imanayo xeerka u dejisan alannada af Ingiriiska. Tusaale ahaan xeerka alanka ee erayga ‘kid’ oo af Ingiriisiya iyo erayga ‘bad’ oo af Soomaaliyihi isma diidayaan ee bal idinba u fiirsada:

Syllable

Syllale [kid]

Onset

Onset [k] Ryhme

Nucleus

Ryhme [id]

Cod

Nucleus [i]

cod [d]

In kasta oo aan af Soomaaliga eray-bixin loo samayn haddana xeerka alannada af Soomaaligu ma diidayo ee waa la mid ka afka Ingiriisiga. Si ay garashadu u fududaato waxan isku deyey inaan adeegsado eraybixin taa u dhiganta, inkasta oo aanan anigu erayga ‘alan’

5

Xeerka abtirsiinta erayga iyo sidaan u arko

bixin. Eray-bixinta aan ku adeegsaday shaxankuna waa sidan soo socota : Syllable = Onset = Ryhme = Nucleus = Coda =

Alan (anigu ma bixin) Xag Jaan Bu’ Dub

Alan

Alan [bad]

Xag

Jaan

Bu’

Xag [b]

Dub

Jaan [ad]

Bu’ [a]

Dub [d]

Haddii aan alan shaqal dheer ah ku adeegsanno xeerkaasi waa sidoo kale oo labada afba isma diidayaan. Tusaale ahaan erayga ‘Read’ wuxuu u akhrismayaa sidii oo uu shaqal dheer yahay oo kale. Taasi ayaa keentay, kolka erayga la codaynayo, in loo qoro sidan [Ri:d]. Haddii aan ku adeegsanno xeerkii alanka wuxuu u qormayaa sidan hoos ku qeexan: S yllable [Ri:d]

Syllable

O ns et [R ]

R yhme [i:d]

Rhyme

Onset

Nu cleu s [i:]

Coda

Nucleus

co da [ d]

Erayga ‘Beer’ oo isna shaqal dheere ihi wuxuu u qormayaa kolka la codaynayo sidan [Bε:r]. Kolka xeerkaa alanka lagu adeegsadana wuxuu u dhigmayaa sidan hoos ka muuqata: A la n [ B ε :r ]

S ylla ble

xa g [B ]

J a a n [ ε :r ]

R h ym e

O nse t

N u c leu s

B u ’ [ε :]

C o da

du b [r]

Waxa kale oo uu xeerka cusubi ka hor imanayaa habka loo adeegsado astaynta soohdimaha alanna erayga ee ku dhisaalan sida loogu dhawaaqo erayga. Haddii aad eegtid habka af Ingiriiska qudhiisa loo kala asteeyo soohdimaha erayada waxa cad in lagu adeegsaday hab ku dhisaalan aragtida xeerka alannada. Waxana soohdimaha alannada erayada loo kala asteeyaa sidan hoos ku xusan: Impossible Open Tomorrow

> > >

Im/pos/si/ble O/pen To/mor/row

Sida uu qoruhu (2009) u kala asteeyey soohdimaha alannada erayada af Soomaaligu way ka duwan tahay sidii aan hore u soo sheegay. Waxaanu qoray sidan soo socota: eber Dhub Doob Badar Eebo Habar Dorraad Itaal

> > > > > > > >

Eb + er Dhu + ub Do + ob Ba + da +ar Eb + bo Ha + ba + ar Do + ra + at It + ta + al

Runtii, sida erayadan loo kala dhambalay ma aha si jirta ee waa si la sameeyey oo male awaal ku salaysan. Ma arag mana maqal cid erayga ‘Eber’ ugu dhawaaqda ‘Eb+er’. Sidan loo qorayna way ka soo horjeeddaa

6

Xeerka abtirsiinta erayga iyo sidaan u arko

xeerka astaynta soohdimaha alannada erayga. Waxanad aragtaa sida uu eraygi u noqday eray kale oo aan la akhris ahayn kii laga hadlayey. Tusaale kale, erayga ‘dhub’ sida loo kala dhambalay cid ugu dhawaaqdaa ma jirto. Haddii aan u qorno labada erayba sida loogu dhawaaqo waxay u qormayaan sidan E/ber iyo dhu/b. Erayada ka samaysma laba eray iyo ka badan waxa loo yaqaan inay yihiin kuwo lamman. Erayadaasi kolka la kala dhambalo eray kastaa iskii buu ujeeddadiisa gaar ahaaneed u leeyahay. Tusaale ahaan, magacayada Gaaxnuug iyo Dhabanqalin, iwm. Waxana loo qori karaa sidan: Gaax-nuug; Dhaban-qalin. Haddii lays yidhaa: “ha la asteeyo soohdimaha alannadoodana” waxay u qormayaan: gaax/nuug; dha/ban/qa/lin. Hase ahaatee, haddii aan xeerka cusub ku adeegsanno, ereyadaasi waxay u qormayaan sidan: ga+ax+nu+ug iyo sidan: dha+ba+an+na+qa+li+in. Waxana halkan inooga dhuroobaya in magaca Gaaxnuug oo laba alanle ihi uu noqdo afar alanle. Midkaasina aad buu runta uga fogyahay. Bal u fiirso shaxankan hoos ku xusan iyo sida ay erayada qaar u lumiyeen qaabkoodii, qaarna alanno aan ku jirin loogu daray: Erayga badar Eebo Habar Dorraad Itaal Beer Teed Doob

Qaabka loo qoray ba+da+ar eb + bo ha + ba + ar do+ra+ra+ad it + ta + al be + er te + ed do +ob

tirada alannada erayga Laba alanle ayuu ahaa.. Wuxuu noqday saddex alanle Laba alanle qaab daran loo qaybshey* Laba alanle ayuu ahaa. Wuxuu noqday 3 alanle Laba alanle. Waxana laga dhigay afar alanle Laba alanle. Waxana laga dhigay saddex alanle. Hal alanle ayuu ahaa. Wuxuu noqday laba alanle Hal alanle ayuu ahaa. Wuxuu noqday laba alanle Hal alanle ayuu ahaa. Wuxuu noqday laba alanle

Sidaasi buu xeerka cusubi uga hor imanayaa habkii aan soo sheegey ee astaynta soohdimaha alannada ee la yiqiin. 6.3 Sida ay carruurtu u af barato iyo aragtida abtirsiinta erayada: Sida hadda la wada ogyahay, af-yaqaannaduna isku raacsan yihiin, kolka ay carruurtu dhawr bilood jiraan way hadaaqaan (babbling), waxaanay ku hadaaqaan dhawaaqyada ‘ba’ iyo ‘ma’. Ma aha erayo ee waa dhawaaqyada xarfaha ‘b’ iyo ‘m’. Arrintaasi waa mid ay carruurta adduunka oo dhammi ka siman tahay afkay doonaan iyo dadkay doonaan ba ha ka dhasheene. Taasina waa ta keentay in kolka abwaannada la qorayo lagu sheego ‘Ba’ inuu yahay dhawaaqa xarafka ‘B’, ‘Ma’-na lagu tilmaamo inuu yahay dhawaaqa ‘M’. Haddaba, haddii la raaco xeerka cusub ee Caliqeyr (2009:18) ee odhanaya: eray kasta oo af Soomaali ah salkiisu waa hal shaqal iyo hal shibbane. iwm., waxan odhan karnaa: “wuxuu ka hor imanayaa xeerkaa barashada afafka.” Carruurta Soomaaliyeedna waxa lagu tilmaami karaa inay yihiin carruurta qudha ee adduunka eray ujeeddo leh ku hadaaq barata, kana boodda ama ka tallaabsata jaranjar ka mid ah kuwa loo maro barashada afka hooyo! 6.4 Aragtiyaha is burinaya iyo eray-la-moodyada aan raadka lahayn I. Haddii aan marka hore is nidhaa wax ka tilaama eray-la-moodyada aan raad ka lahayn waxan ku bilaabi karnaa kuwan ay ka midka yihiin: a. La ≠ La’ ( La lama ujeeddo aha La’) Aragtiyaha isburinaya ee lay noo dhuubay ma yara. Tusaale ahaan, mar uu qoruhu (2009:26) ka hadlayey dhawaaqa ‘al’ waxa uu sheegay inuu yahay lidka ‘la’ oo ah wax la’aan. Runtii ereyga la ujeeddada ah la’aani waa (la’) ee ma aha (la) sida uu qoruhu tibaaxay. Inay sidaa aan sheegay tahay waxa kuu caddaynaysa weedhahan kala ah: wuu la hadlay, la dagaallamay, la soco, la heshii; wax la cun, iwm. Erayga la’aanta ah waxa tilmaamaya weedhahan soo socda ee kala ah: indho la’, lug la’, fiiro la’aan,

Xeerka abtirsiinta erayga iyo sidaan u arko

7

dhugmo la’aan iwm. Waxa halkanna inooga dhuroobey in erayga (la) ee qoruhu yidhi waa lidka (al) aanu sheegayn wax la’aan. Hayeeshee, erayga tilmaamaya la’aantu yahay (la’). b. Ra ≠ Ar ( Ra lid uma ah Ar ) Isaga oo qoruhu (2009: 23) inoo qeexaya ujeeddada ‘Ra’ wuxu yidhi: Erayga ‘ra’ waxay Reer Fircoon u yaqaanneen cadceedda lafteeda. Balse muuqaalka sanabka Ra ee Reer Fircoon waa galeydh ay madaxa iyo labada lugood qorraxi u saran tahay. Muuqaalkaasi wuxuu tusayaa labada meelood ee uu dhibka cadceeddu saameeyo oo ah madaxa iyo cagaha. Sidaasi awgeed, way dhicikartaa in Reer Fircoon ay Ra u yaqaanneen kulka cadceedda ama qorraxda lafteeda balse ay aqoonyahanka afafku ku mala habaabeen. Markale isaga oo Caliqeyr (2009: 27) sii qeexaya ‘Ra’ waxa uu yidhi:

Ra = Ayaanka kulka; qorraxda. Ra waa lidka ar oo ah ayaanka biyaha ee tarmiya waxa dhulka dushiisa ku sugan. Waxa marka hore wax aad loola yaabo ah sida uu eray shisheeye ihi lid ugu noqon karo eray af Soomaaliya. Hadalkaasi wuxuu ina xusuusinayaa maahmaahda tidha: “Hal booliyihi, nirig xalaal ah ma dhasho.” Waa midda labaade, sidee buu qoruhu inoo yidhaa: “lidka kulaylku waa qoyaanka.” Erayga ‘qoyaan’ lidkiisu waa ‘qalayl’. Erayga ‘kulayl’-na lidkiisu waa ‘qabaw’. Halkaas waxa haddaba innooga dhuroobay in aragtidani ku dhisaalan tahay ismoodsiis ee aanay wax dhab ah ku salaysnayn. Midhkaana waxa taageeraya weedha kor ku xusan ee aan hoosta ka xarriiqay ee uu qoruhu leeyahay: way dhici kartaa in Reer Fircoon ay ‘Ra’ u yaqaanneen kulka cadceedda ama qorraxda lafteed… Hadalka ‘way dhici kartaa’ waa arrin aan sugnayn. Runtii qoruhu ma hubo ujeeddada waxa uu inoo sheegayo. Sidaasi awgeed ujeeddadaasi waa ina wax kama jiraan! Halkaasi oo qudha ma aha meelaha uu qoruhu ku muujinayo inaanu hubin aragtiyaha uu inoo sheegayo. Tusaale ahaan, mar uu (2009:315) “ye” ujeeddadeeda qeexayey, iyo qaar kaloo badanba, wuxuu ina odhanayaa: ayaankani wuxuu magac u yaal u noqon karaa cidda maarantay, waxa laga maarmay, falka maaranka, …. c. La’ iyo ax ≠ Lax

(Lax kama unkana La’ iyo Ax)

Mar uu qoruhu (2009: 242) qeexayey sida ay ujeeddada erayga lax ku baxday, wuxu inoo sheegay inuu eraygu ka unkan yahay labada eray ee kala ah la’ iyo ax. Aragtidani waxay ka mid tahay kuwii hore ee ismoodsiiska ahaa. Sababta oo ah dadka mooyee ma jiro noole kale oo ‘ax’ yidhaa. Arrinta kale ee xusidda mudani waa qoraha oo laxda ku sheegay inaanay lahayn dareen. Runtii waa meel ka dhac wax u dhimaya aqoontii sayniska ee lay noogu sheegay inuu noole kastaa leeyahay dareen. Midda saddexaadi waa iyada oo erayga ‘lax’ uu yahay eray keliya oo aan lammanayn, sidaasi awgeedna aan la kala dhambali karin. Erayga ‘wan’, oo tilmaama laboodka idaha, isaga ‘ax’ kuma jirto. Markaa wanku miyuu ka dareen badan yahay laxda? Waxa hubaal ah in, sida noolaha kale, ay laxduna dareen leedahay. Waxa kale oo hubaal ah in lax rimani kolka ay foolato ay sida dheddigga kale xanuun la fool hallawdo oo la ilaasho. Markaa xanuunka fooshu isagu dareenka kuma jiro miyaa? Laxdu sida xoolaha kale haddii ay qodaxi muddo ama ay lug ka jabto way dhitisaa. Haddii aanu dareen jirin maxay u dhitisaa? Xoolo cabanaya oo kolka ay qodaxi muddo ciyaya lama arag lamana sheegin. Markaa dareenkooda ma kolka uu bahal qabsado uun baa lagu beegaa? d. La’ iyo Ba’ ≠ Laba (Laba kama unkana La’ iyo Ba’) Erayga ‘laba’ mar uu qoruhu (2009:26) qeexayey sida ay ujeeddadiisu ku baxday wuxuu inoo sheegay inuu eraygu ka unkan yahay labada eray ee kala ah la’ iyo ba’. Aragtidan qudheeda waxan, runtii, ku sheegi karaa inay tahay tu ku dhisaalan ismoodsiis. Dhabtana aad bay uga durugsan tahay. Waayo eraygu waa keli oo ma lammana mana kala dhambalmayo. Ma yara dhawaaqyada erayo-la-moodka ah ee siyaalaha isburinaya loo qeexay. Waxana ka mid ah kuwaasi:

Xeerka abtirsiinta erayga iyo sidaan u arko

8

Ba: Sida uu qoruhu u sheegay (Ba) ma aha eray ee waa dhawaaq. Erayga uu ismoodsiiyey waa (Ba’). Ba’ waa eray hal-alanle ah oo ka kooban 3 xaraf, labada shibbane ee B iyo Firgin (’) iyo hal shaqal gaab oo ah ‘a’. Inuu eraygu sidaa aan sheegay yahay qoraha ayaa caddeeyey. Tusaalaha uu bixiyeyna wuxuu ahaa beertii way ba’day. Haddii aanu firginku la socon waxay ahayd inuu u qoro beerti way baday. Eraygaasi ma aha mid jira ee sidii aan kor ku xusay waa dhawaaqa xarafka ‘B’. Be: Sidaasi si la mid ah ayaanu dhawaaqa Be u ahayn erayga uu qoruhu ismoodsiiyey ee uu u yahay dhawaaq ka mid ah dhawaaqyada xarafka ‘B’. Waana kolka uu shaqalka ‘e’ raaco. ujeeddada uu qeexay erayga lihi waa Be’ ee ma aha Be. Bi: Kan qudhiisu wuxuu ka mid yahay dhawaaqyada xarafka ‘B’. Waana kolka uu xarafka ‘i’ gadaal ka raaco. Eray saleedkuna waa Bi’i ama Bii. Qoruhu isagaa isku markhaati furay ee bal eega tusaalihii uu bixiyey ee uu yidhi: ninkaasi way bi’iyey ama nin kaasi way biiyey. Bo: Xarafkan qudhiisu wuxu ka mid yahay dhawaaqyada xarafka ‘B’. Waana kolka uu xarafka ‘o’ gadaal ka raaco. Qurubka u dambeeya erayga ‘Hanbo’na ma aha sida uu qoruhu sheegay mid biyo iyo wax dareeratoona ku lug leh. Haddii uu qurubka u dambeeya erayga Hanbo uu noqoday wax taban, ka u dambeeya erayada ‘Kabo’, dhabbo, iwm., maxaa lagu sheegi? Bu: Dhawaaqa ‘B’ kolka gadaal laga raaciyo shaqalka ‘u’ waxan helaynaa (Bu). Haddii firgin lagu daro eray kale oo ujeeddadiisa la yaqaan baa inoo samaysmaya. Kaasi oo ah Bu’. Waana ka uu qoruhu tusaalooyinkiisa ku muujiyey sida: ishaa ayey biyuhu ka soo bu’ayaan. Sidaasi awgeed bay (Bu) iyo (Bu’) u kala duwan yihiin oo aanay isugu mid ahayn una ahayn ka uu ka hadlayo. Qo: Dhawaaqan siyaabaha loo qeexay way is burinayaan. Tusaale ahaan bogga 23aad wuxu qoruhu ku sheegay sidan: Qo = qoo; qoyn. Qo waa horgalaha qo-yaan oo ah tilmaanta wixii ay biyo ku yaallaan ama ay ku milan yihiin. Bogga 286aad markuu qeexayey erayga woqooyi wuxuu yidhi: Qo = Ayaanka engegga, uumi-baxa ama biya-baxa ee ‘qa’ oo yeeshay astaan wadareed. Waxa haddaba isweydiin leh: “markee buu ‘Qo’ tilmaan u yahay wax biyo ku yaallaan, markuuse tilmaan u yahay ayaanka engegga?” Ta: Marka hore waa dhawaaqa xarafka (T) kolka uu shaqalka (a) gadaal ka raaco. Marna waa qodob ka mida qodobbada af Soomaaliga waxaanu raacaa magacyada dheddig. Hayeeshee, qorahu (2009:68) wuxu u qeexay ama ku sheegay inuu yahay: Ayaanka dhalmada ama dhalitaanka. Waxa uu intaa raaciyey in sababta erayga ‘naag’ loo raaciyo qodobkaasi tahay naagta oo wax dhasha. Sababta kale ee uu erayga nin isagu u qaadan waayey qodobkaasi tahay isaga oo aan wax dhalin oo ka yimaadda dheddigga. Sidaasi awgeedna loo raaciyey qodobka ‘Ka’, sidaana uu ku noqday ‘ninka’. Waxa kale oo uu qoruhu intaa raaciyey in sababta kolka labada la kala tilmaamayo loo yidhaa naagta ‘taa’ ninkana loo yidhaa ‘kaa’ ay ku salaysan tahay sababahaa aan soo sheegnay. Isaga oo qoruhu faahfaahinaya arrintaana wuxuu qoray tusaalooyinkan hoos ku taxan: Naagta Naagtaa Naagtee Naagtii Naagtoo Naagtu

ninka ninkaa ninkee ninkii ninkoo ninku

Waxa halkaa inooga soobaxay inuu qoruhu erayga ‘dhalmo’ siiyey dheddiga ay calooshooda wax ku abuurmaan oo qudha. Labkiina uu ka dhigay mid isaga calooshiisa aanay waxba gelin. Waxa kale oo cad inuu erayga ujeeddadiisii ballaadhnayd uu badh qaatay badhna ka tegey. Labku haddii aanu wax dhalin tafiiri ma jirteen. Dheddigna wax ma dhaleen. Ninka aan dhalin waxa la yidhaa: hebel waa madhalays. Ujeeddada oo ah inuu yahay mid aan wax dhalin. Weyddiinta haddaba, meesha ku jirtaa

9

Xeerka abtirsiinta erayga iyo sidaan u arko

waxay tahay, haddii erayga naag sababta loo raacshay ‘ta’ tahay wax bay dhashaa, maxaa magacyada dheddig ee aan waxba dhalin ayaga loo raacshaa qodobkaa, sida far = farta, kab = kabta, lug = lugta, iwm.? Ayana sidaa erayga naag baan u qori karnaa ee u fiirso: Farta Fartaa Fartee Fartii Fartoo Fartu

Kabta Kabtaa Kabtee Kabtii Kabtoo Kabtu

Lugta Lugtaa Lugtaa Lugtii Lugtoo Lugtu

II. Aragtiyaha isburinaya Aragtiyaha is burinaya ee uu xeerka abtirsiinta afku xambaarsanyahay ma yara. Haddii aan dhawr is idhaa ka tilmaanna, waxaa inagaga filan sida erayadan hoos ku xusan loo qeexay: Ayaan: Bogga 9aad ee buugga, wuxu qoruhu inoo sheegay in eraygaasi yahay mid ka mid ah 180ka eray ee dhaliya af Soomaaliga. Haseyeeshee, kolka aad eegto shaxda 180ka eray ee aasaaska u ah af Soomaaliga ee ku xusan bogga 12aad, eraygaasi kuma jiro. Waxa shaxda ku qorani waa 180 dhawaaq. Haddii aad eegto habka ay 180ka eray u dhisaan afafka kushitigga ee ku xusan bogga 16aad waxad arkaysaa iska horimaadka ku jira isleegayaasha uu adeegsaday qoruhu. Sida buugga ku qoran Ku + ud = Kud Su + ug = Sug

sida ay dhabtu tahay Ku + ud = Kuud Su + ug = Suug

Halkaa waxa inooga dhuroobay in astaantii isleegaha loo adeegsaday si gef ah oo aad uga fog sidii ay ahayd. Waxaanay la mid tahay iyada oo la yidhaa: 2 + 2 = 3 ( !!). Beer: Wuxu qoruhu inna leeyahay eraygu wuxu ka soo jeeda afka Oroomada. “Haweenayda gaadha da’da uu ubadku kaga joogsado ayey Oroomadu u taqaan beer,” buu ina yidhi Caliqeyr (2009: 46). Wuxuu qoruhu intaa raaciyey in be-er tahay weedh naagta ku sheegaysa inuu ka ba’ay arkii (qoyaankii) rimayga ee la falgelayey abka ragga si ay halkaas ilmo uga dhashaan. Haddii si kale loo dhigo buu yidhi qoraagu, “be-er waxay naagtaas ku sheegaysaa tu qallashay!” Dhanka kale, abwaan af Soomaaliya oo aan ka eegay ujeeddada erayga ‘beer’ baa isna u qeexay sidan: Dhul la falay oo midho la cuno lagu abuuro. Qof kasta oo Soomaaliyeedna sidaasi buu u yaqaan. Ujeeddadan iyo ta af Oroomaduna waa kaaf iyo kala dheeri. Qoruhu innama laha dhulka qallalan ee diddibka ah ee aanay

waxba ka bixin baa la yidhaa beer. Sidaasi awgeed, ma garan xidhiidhka uu ka dhaxaysiinayo haweeney dhalmadays ah iyo dhul wax laga beeranayo oo wax dhalaya. Waxan runtii odhan karaa qoruhu isaga ayaa isku hagaajistey ee wax xidhiidh ah oo ay leeyihiin labada ujeeddo meesha kama muuqato. Arrintaasu waxay ka dhigan tahay aniga oo idhaa erayga ‘Bilaad’ waa af Carabi. Ujeeddadiisuna waa dal. Dalna sida la wada ogyahay dad badan baa ku nool oo si walba u adeegsada. Ujeeddadii sidaasi ahayd bay dadka Ruushku si sarbeeba u adeegsadeen oo eraygii ‘Bilaad’ waxay ka dhigeen haweeneyda jidhkeeda ka ganacsata, iyada oo ay ujeeddadu tahay in dad badani ay jidhkeeda adeegsadaan! Hadal iyo dhammaantii, waxa halkaa inooga cad inuu xeerku guud ahaan ku salaysan yahay mala awaal aan maangal ahayn. Hirqad: Markii uu qoruhu (2009:301) qeexayey eraygaasi wuxu qoray sidan: “Hirqad wuxuu ka yimid hirqaad oo sheegaysa walax uu hir qaaday. Waayadii dhexe ayuu hirqaadku marin-habaabay oo

Xeerka abtirsiinta erayga iyo sidaan u arko

10

waxaa loo adeegsaday ka dheregga ama ka haqab-beelka biyaha.” Waxay haddaba weydiintu tahay sida ay hadalkaasi wax uga jiraan? Runtii, ‘hirqad’ eray saleed ma aha. Eray saleedka eraygu waa: hirqo (-aday, -atay). Ujeeddaduna waa biyo ka dhereg. Taasi waxay ina tusaysaa inaanay labada eray isku sal ahayn, iskuna ujeeddo ahayn. Sidaasi darteed lama odhan karo erayga hirqaad baa noqday hirqad ee qoraha ayuun bay sidaa ula ekoonaatay. Maal: Wuxu qoruhu (2009:252) eraygan ku sheegay inuu waa hore u tallaabay dhanka carabta oo uu yeeshay aragtida ay hadda carabtu u taqaan. Runtii waa markii u horreysey ee aan maqlo inay jiraan erayo Soomaaliyeed oo ay Carabtu innaga ergisatay. Buugga la yidhaa ‘‫’الفاظ عربية فياللغة الصومالﻳة‬ ee uu qoray Siciid Cusmaan Guuleed soona baxay 1973kii waxa lagu soo bandhigay jiritaanka boqollaal eray oo af Carabiya oo af Soomaaliga ku jira. Erayga ‘maal’-na wuxu ka mid yahay erayada buugga ku jira ee lagu tilmaamay inuu ka soo jeedo dhanka af Carbeedka. Dhanka Quraanka, Aayadda 45aad ee Suuradda Al-kahaf ayaa sida hoos ku xusan uu erayga ‘maal’ ku jiraa. Sheekhyadii qeexay Aayadda ujeeddadeedana, sida hoos ku cad, erayga maal waxay u arkaan inuu yahay af Carabi. Waxaanay ujeeddadiisa ku sheegeen ‘xoolo’.

Aayadda 45aad ee Suuradda 28aad ee Al-kahaf Eraygu kolka uu af carabi yahay wadar buu yeeshaa sida ku xusan Aayadda 28 ee Suuradda AlAnfaal. Waana ‘‫’أموال‬. Hayeeshee kolka uu Soomaaliga yahay isma beddelo. Waana maal ‘‫’مال‬. Taasi waxay marag cad u tahay inaanu eray qalaadi weligiina eray kale oo af kale ah dhalikarin. Halkaana waxa inooga dhuroobay inaanu erayga maal u tallaabin Bariga dhexe sida uu qoruhu inoo sheegay.

Aayadda 28aad ee Suuradda 8aad eeAL-Anfaal Xayraan: Mar uu qoruhu (2009:364) wax ka sheegayey qodobka labaad ee waxa uu ku magacaabay ‘saddexda heer ee meertada roobka’ ayuu inoo sheegay in kolka uumi-biyoodku uu waayeenka sare gaadho uu qaboobo, yeeshana muuqaal raamo ah oo filiqsan, raamahaasuna leeyihiin midab xay ah, kuwaasi oo loo yaqaan xayraan. Ujeeddaduna waxa weeyaan buu yidhi: waa xay raan ah’. Hawraarta u dambaysaa waxay markhaati u tahay aragtida tilmaamaysa inuu qoruhu wax isku hagaajisanayo, aragtiduna aanay aqoon ku salaysnayn. Mana filayo inuu magacu ku baxay sida uu qoruhu sheegayo. Sidii aan hore u soo sheegay xeerarka qaab dhismeedka af Soomaaliga waxa ka mid ah in uu markasta tilmaamuhu ka dambeeyo magaca uu wax ka sheegayo. Tusaalihii aan bixiyeyna wuxu ahaa: nin dheer. Midabka kolka laga hadlayo wuxu noqonayaa: maro cad ama maro caddaan ah. Haddii aan wax ka sheego magacyada Soomaaliyeed ee tilmaamaha wata waxa ka mid ah: Cabdi kuus; Madaxguduud; iwm. Ma dhicikarto in la yidhaa Kuus Cabdi, guduudmadax, iwm. Sidaasi awgeed, erayga xay sida uu qoruhuba sheegay waa midab. Waxaanay tahay inuu midabku sida tusaalooyinkaasi wax ka sheego magaca oo uu ka gadaal maro. Hayeeshee, sida uu qoruhu u

11

Xeerka abtirsiinta erayga iyo sidaan u arko

qoray hawraartaasi way ka baxsantahay xeerkii af Soomaaligu lahaa. Hawraartuna waxay u qormaysaa: raan xay ah. 7. Xidhiidhka ka dhaxayn kara erayga ‘Maya’ kolka uu Af Soomaaliga yahay iyo kolka uu af Hindiga yahay (Sanskrit) Dhawr jeer buu qoruhu aragtidiisa ku taageeray tusaalooyin uu af kale ka soo qaatay isaga oo rabay inuu caddeeyo sida uu afkaasi kale saamaynta ugu yeeshay keenna. Afafka uu tusaalooyinka ka soo ergistay waxa ka mid ah afka Oroomada oo ka tirsan afafka lagu tilmaamo inay af Soomaaliga la walaal yihiin. Tubta uu qaadayna waa tubaha iyo hababka wax loo caddeeyo ha la qaato ama yaan la qaadane. Hayeeshee, wuxu aragtidii qoraha mawdku ka adeegay kolkuu xidhiidh iyo saamayn aan jirin ka dhexaysiiyey labada af ee Soomaaliga iyo Hindiga oo aanay dameerahooduna (?) isgeyin. Sidii uu qoruhu (2009:3) u tibaaxay af Soomaaligu wuxu ku abtirsadaa qoys afeedka loo yaqaan Cushitic languages. Afka Hinduguse sida ay af-yaqaannadu sheegeen wuxu isna ka tirsan yahay qoys afeedka loo yaqaan Indo-European languages. 1786kii buu Sir William Jones oo u dhashay dalka Ingiriisku noqday, sida la sheego, qofkii u horreeyey ee ogaada, inkasta oo ay jiraan dad badan oo aragtidaa diiddani, xidhiidhka weyn ee ka dhexeeya afkii Hindida ee hore, Sanskrit, iyo afafka reer Yurub. Isaga oo adeegsanaya aqoonta loo yaqaan comparative linguistics buu dareemay in magacyada tirada afka Sanskrit iyo kuwa afafka Laatiinka iyo Giriiggu isku dhow yihiin sida ku xusan hal-shaxanka soo socda: Number

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

Sanskrit

éka

dvá

tri

catúr

páñca

sás

saptá

astá

náva

dása

Latin

unus

duo

trs

quattuor

quinque

sex

septem

octo

novem

decem

Greek

mono-

di-

tri-

tetra-

hexa-

hepta-

octa-

ennea-

deca-

Waxyaalaha kale ee uu dareemay waxa ka mid ah erayada tilmaama xigaalnimada ama wax isku ahaanshaha sida hooyo ‘mother’ oo ay Hindidu tidhaa ‘mater’, aabbo ‘father’ oo ay yidhaahdaan ‘pitar’ ( Isbanish-kuna yidhaa ‘Padre’), wiilka ‘son’ oo ay Hindidu tidhaa ‘sunu’ iyo gabadha ‘daughter’ oo ay yidhaahdaan ‘duhitar’, iwm Kolka aad labada eray ee ‘ Pitar iyo bhratar’ oo la ujeeddo ah aabbo iyo walaal (father and brother) aad u foodiso sida afafka reer Yurub loogu kala yaqaan baad dareemaysaa xidhiidhka qotada dheer ee uu afka Sanskrit la leeyahay afafka reer Yurub, sida ku cad shaxanka hoos ku qoran, oo aad garanaysaa inay isku qoys yihiin. "father"

o o o o o o o o o o

pitar (Sanskrit) pater (Latin) pater (Greek) padre (Spanish) pere (French) father (English) fadar (Gothic) fa∂ir (Old Norse) vader (German) athir (Old Irish--with loss of original consonant)

"brother"

o o o o o o o o o o

bhratar (Sanskrit) frater (Latin) phrater (Greek) frere (French) brother (Modern English) brothor (Saxon) bruder (German) broeder (Dutch) bratu (Old Slavic) brathair (Old Irish)

http://web.cn.edu/kwheeler/IE_Main4_Sanskrit.html

12

Xeerka abtirsiinta erayga iyo sidaan u arko

Haddii aan markan isu eegno xidhiidhka ka dhexeeya erayga ‘Maya’ kolka uu Soomaaliga yahay iyo kolka uu Sanskrit-ka yahay waxa uu kaskaagu ku siinayaa inay aad u kala fog yihiin sida ku cad shaxanka hoos ku xusan: Soomaali

Ingiriisi

Hindi

Maya -------

No Not this

Ma Ma taqaan isaga? Yaa ≠ Ya Yaa (Yaa sidaa yidhi?) Waayo ? Waa ayo

Do (or not) Do you know him? What ≠ this Who ( Who said so ?) Why not? ≠ who Who is he/she?

------Ma/ya (haddii aanu qoruhu sidan u qorin) ----------------------------------------

Halkanna waxa inooga dhuroobey inaanu haba yaraatee jirin wax xidhiidha oo ka dhexeeya af Soomaaliga iyo afka loo yaqaan Sanskrit. ‘Ya’ afkeenna waa dhawaaqa xarafka ‘Y’. Afka Sanskritna sida uu qoruhu inoo sheegay waxay la ujeeddo tahay ‘this’ oo la mid ah ‘kan ama tan’. Sidaasi ayay aragtidaasi iyana u tahay ismoodsiis ee aanay wax dhab ah ugu salaysnayn. Qaybaha u dambeeya ee buugga waxad kala kulmaysaa wax badan oo waxtar leh sida magacyadii ay Soomaalidu u tiqiin maalmaha iyo bilaha gu’ga (p.345-360). In kasta oo habka uu qoruhu u qeexay erayada tiradu uu isna ku dhisaalan yahay aragtidii mala awaalka iyo ismoodsiiska ahayd. 8. Dooddii iyo xidhiidhkii aan la yeeshay qoraaga iyo wixii ka soobaxay: Intii aanan qoraalka bilaabin baan qoraha la xidhiidhay. Waxananu ka wada hadalnay arrimo badan oo ku saabsan buugga iyo aragtiyaha uu xambaarsan yahay. Isu soo wada xooriyoo kolkii aan wax badan wax ka weyddiiyey, wuxu qoruhu qirtay in aragtidiisu ka baxsan tahay aqoonta iyo xeerarka afafka fagaasa oo aan loo baahnayn in lagu eego indho iyo maskax ku dhisan ama rumaysan aqoonta hadda jirta ee afafka. Taasi oo runtii i xasuusisay sheeko gaaban oo waagaan yaraa na loogu dhigay dugsigii hoose oo la odhan jiray: Fircoon wa qillata caqlihi / ‫فرعون وقلة عقله‬. Sheekadu waxay ku saabsanayd nin doonay inuu Boqorkii dalkiisa siiyo muquuno aan hore loo arag loona maqal. Maalin maalmaha ka mid ah buu ninki Boqor Fircoon u tegey oo uu ku yidhi: “ Boqor, waxan kuu keenayaa muquuno aan taas oo kale la arag ee waxan kaa doonayaa inaad iga guddoonto kolka aan kuu keeno.” Fircoon arrinkii wuu ka oggolaaday. Maalintii ay ballantu ahayd buu ninki yimid gurigii Boqorka isaga oo muquunadii sida. Waxa uu sido cid arkaysay (ujeeddey) may jirin. Hayeeshee, isaga oo iska yeelyeelaya sidii qof gacamaha wax culus ku sida oo kale buu afaafka ka soo galay. Fircoon waxa la joogay oo ku wareegsanaa wasiirradiisii oo uu ugu yeedhay inay goobjoog ka ahaadaan kolka muquunada yaabka leh la guddoonsiinayo. Kolkii uu ninkii muquunada siday soo galay qolkii ay Boqorka iyo wasiirradiisi fadhiyeen, buu isaga oo qaylinaya yidhi: “Muquunadan aan sido qof waxgarad ah mooyee maangaab indhihiisu ma arkikaraan.” Fircoon iyo wasiirradiisii baa mid waliba is yidhi: “Haddii aad tidhaa waxba ma siddid oo ma arkayo lebiskan la sheegayo waxa lagu odhan waxgarad ma tihid!” Markaasuu mid kastaa gaarkiisa u yidhi, “Waar bahalku qurux badanaa!” Kolkii uu Boqor Fircoon guddoomay lebiskii muquunada loogu keenay oo uu cabbaar kolba dhinac ka eegay, buu ninki mar kale Fircoon ku yidhi, “ Boqor, waxaan rabaa inaad berri ku lebisato lebiska oo aad magaalada la dhexmarto si ay dadku u arkaan lebiskan quruxda iyo yaabka isku darsaday!” Boqorki codsigii kalana wuu ka oggolaaday. Waxana dadweynihii lagu wargeliyey in berri dambe jidadka laysugu soo baxo si loo daawado Boqorka oo ku lebisan lebis cusub oo aan hore loo arag mid la mid ah kaasi oo muquuno loogu keenay.

Xeerka abtirsiinta erayga iyo sidaan u arko

13

Maalintii ballanku ahaa bay dadweyihi isu soo baxeen. Waxay sugaan oo ay kolba doc eegaan, mar dambe ayuu boqorkii oo qaawan oo mudh iyo gacan ah oo ay wasiirradiisi hareer socdaan, qorraxdana looga dallaalimeeyey, soo baxay! Cid waliba yaabtay. Qof waliba afka iyo gacanta isa saar. Lana waa qof ku dhac leh oo runta ku rafta. Wax la yaabbanaadaba, oo ay weliba dadka qaar u sacab tumaan Boqorka iyo wasiirradiisaba, mar dambe ayuu wiil yar oo aabbihii la socday oo xiisaynayey inuu arko Boqor Fircoon iyo lebiskiisa cusubi u qaadan waayey oo inta uu qayliyey yidhi, “Aabbo, eeg boqorkeennan qaawan!” ( ‫ ) يا أبتی أﻧظر إﻟې مﻟكنا العريان‬Dulucda sheekadana akhristaha ayaan u dhaafay! 9. Gabaggabo Guntii iyo gabagadii, Caliqeyr wuxu muujiyey dadaal iyo hawl karnimo. Waxaanu inna soo hor dhigay aragti aanay hortii cid isku dayday jirin. Waxase dhab ah in aragtida xeerka abtirsiinta erayadu ay si toosa uga hor imanayso xeerarka la yaqaan ee uu afku leeyahay. Erayada waxa loo kala jejebinayaa hab ka duwan sidii ay ahayd in loo kala dhambalo taas oo ku salaysnayd sida loogu dhawaaqo. Qurubyada la qeexayaana ma aha, sida uu qoruhu ku doodayo, erayo ee waa dhawaaqyo. Waxa kale oo xus iyo xasuusinba mudan in haddii aanay jirin aqoon la yaqaan oo loo foodiyo aqoonta markaa laga hadlayaa ay adagtahay in la tilmaamo inay hagaagsan tahay iyo in kale. Sidaasi darteed, haddii aanan aragtida xeerka abtirsiinta erayada u foodin xeerarka ay afafku leeyihiin ee hore loo yaqaannay ay aad iigu adagkaan lahayd inaan tilmaamo god daloolooyinka aan halkan ku xusay.

Raadraac

Abraham, R.C. 1964, Somali-English Dictionary, London: University of London Press (reprinted in 1968 ). Agostini, Francesco, Annarita Puglielli and Ciise Moxamed Siyaad (Eds.), Dizionario SomaloItaliano, Rome: Cooperazione Italiana allo Sviluppo, 1985. Armstrong, Lilias E. The phonetic structure of Somali, republished by Gregg International Publishers Limited, 1964 Andrzejewski, B. W. The development of a national orthography in Somalia and the modernization of the Somali language, Horn of Africa ( journal ), Vol.1 No.3, July / September 1987. Cabdillaahi Diiriye Guuleed 'Carraale'. 2004. Miisaanka Maansada Soomaaliyeed, Abokers Förlag, Sweden. Cabdiraxmaan C. Faarax "Barwaaqo". Abwaan Cusub oo Af-soomaali iyo Af-ingiriisiya: A Modern Somali-English Dictionary, printed by Ottawa Roman Catholic Separate School Board, 1995. xxix,468 pp. ___ Mahadhada iyo waxqabadka Maxamed Xaashi Dhamac ‘Gaarriye’, Hal-aqoon publishers, Calgary, 2007. 204pp ___ Xasilloonidarrada Af-soomaaliga, Hal-aqoon Journal , Xidhmada II aad , tirsiga 1 aad,iyo ka 2 aad Jan/Ogost. 2002, 37-42p.

Xeerka abtirsiinta erayga iyo sidaan u arko

14

Cabdalla C. Mansuur iyo Axmed Cabdullaahi A. Qaamuus Af Talyaani-Soomaali, Daabacaaddii Koowaad, 1985. xii,180pp. Cabdalla C. Mansuur iyo Annarita Puglielli. Barashada Naxwaha Af Soomaaliga, HAAN Associates, London, 1999, x, 304pp Cabdiraxmaan Ciise Oomaar iyo Siciid Warsame Xirsi. Af-garad: Qaamuus IngiriisiSoomaali/English-Somali Dictionary, Mogadisho. Caliqeyr M. Nuur. Abtirsiinta Erayada af Soomaaliga, Iftiinka Aqoonta, Sweden, 2009, 400 pp. Campbell, Lyle. Historical Linguistics: An introduction, The MIT press/Cambridge, Massachusetts, 1999, xx,396pp. Caney, John Charles. The Modernisation of Somali Vocabulary, with Particular Reference to the Period from 1972 to the Present. (Hamburg: Helmut Buske, 1984) D. I. Stepanjenko iyo Maxamed Xaaji Cusmaan. Abwaan Urursan Af-soomaali iyo Ruusha, Ruush iyo Soomaaliya, Moscow, 1969. 319pp. Kapchits, Georgi. Sentence particles in the Somali language and their usage in provebs, Shaker Verlag, Aachen, 2005, 114 pp. Luling, Virginia. Somali-English Dictionary, Dun woody Press/Wheaton, MD,1987. vi, 605pp. Maxamed Nuux Cali. History in the Horn of Africa, 1000 B.C.—1500 A.D.: Aspects of Social and economical change between the rift Valley and the Indian Ocean, PhD. Dissertation, University of California, Los Angeles, 1985. Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye'. 1976a. Miisaanka rnaansada. In Xiddigta Oktoobar, Muqdisho, 17 January, 1976: 3. ---1976b. Miisaanka maansada. In Xiddigta Oktoobar, Muqdisho, 24 March, 1976: 3. ---. 1976c. Miisaanka maansada. In Xiddigta Oktoobar, Muqdisho, 27 March, 1976: 3. Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal(edited by B.W. Andrzejewski). Xikmad Soomaali. Oxford University Press, London, 1956, xi,150pp. Saeed, John Ibraahim. Somali Reference Grammar. Dun woody Press/Wheaton, MD,1987. vi, 275pp Shire Jaamac Axmed. Naxwaha Af Soomaaliga, Akadeemiyaha Dhaqanka wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta sare, Xamar, 1976. Siciid Cismaan Guuleed (‫)سعيد عثمان جوليد‬. ‫الفاظ عربية فياللغة الصومالﻳة‬, Cadan, 1973 Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta,Eray-bixin, Muqdisho.

Xeerka abtirsiinta erayga iyo sidaan u arko

Yaasiin Cismaan Keenadiid. Qaamuuska af Soomaaliga, Muqdiso, 1976 http://www.hamrey.com/index.php/articleview/1323/1/8 / http://web.cn.edu/kwheeler/IE_Main4_Sanskrit.html http://wals.info/chapter

15

View more...

Comments

Copyright ©2017 KUPDF Inc.
SUPPORT KUPDF